Maanta waa maalin cusub! Waa maalin aanad hore u arkin,
dibna u arki doonin; sidaas darteed jooji in aad naftaada ku
maaweeliso beenaha aad markasta u sheegto! Imisa
maalmood oo hore ayaa dhayal kugu dhaafay?
Ka faai'dayso maalintan cusub ee ashqaraarka leh maalmaha
kalena ka duwan. Ogsoonow - maalinta quruxda badan
gudaheeda - in aad haysato fursado tiro badan oo aad
noloshaada ugu jihayn kartid dhan kasta oo aad rabto
Waxa aynu isugu xidhiidhsannahay si cajiib ah oo aan cidina
fahmaynin, islamarkaana fahmi doonin. hal dhinac ayaynu
nolosha uga soo wada jeednaa, ama in aynu sidaas ahaanno
ayay ahayd, laakiin mar dhexe ayaan kaa tegay:
Keligaa ayaan kaa tegay adiga oo isku dhex daadsan; waxa aan
kugu kellifay in aad dad shisheeye ah ka sugto oo ka raadsato
jacayl dhiirrigelin iyo awood. Iyada oo ay ahayd in aan anigu ku
garab istaago, oo aan ku soo dhowaysto ku amaano
islamarkaana aan kugu qaddariyo shakhsiyaddaada xariirta ah
iyo quruxda iyo milgaha aad nolosha ku soo biirinayso.
Waan ka xumahay in aad igu hungowday, waan ka xumahay in
aan ku xanuujiyay oo ku dayacay, waan ka xumahay in aanan
ku xasuusin hadh iyo habeen sida aad u tahay qof qaali ah, ee
aad u tahay qof waxkasta oo wanaagsan u qalma, una tahay
qof geesi ah naxariis badan misana awood leh oo adkaysi
badan. Iska kay cafi naftaydaay!
Sida aynu nahay ayaynu qiimo ku leennahay; mustaqbalka soo
socda waynu wada waajihi doonnaa; hadda waan ku helay,
waan is helay, marnaba gacantaada ma sii deyn doono.
Markan waxa aan ku siin doonaa mudnaanta koowaad iyo
kaalinta ugu sarraysa kaalmaha noloshayda. Waan ku ixtiraami
doonaa, waan ku karaamayn doonaa, oo ku qiimayn doonaa
welibana ku jeclaan doonaa

No comments:
Post a Comment