Waxkasta si shakhsi ah ha u qaadan, ha na moodin in adiga laguu dan leeyahay, cidna ha ka yeelin in ay ku liiddo oo hoos kuu dhigto. Inta badan waxyaabaha dhacayaa adiga kuguma saabsana, ee waa kuwo ku tacaluqa qofka kale iyo cilladihiisa gudaha. Marka ay dadku dhaawac kuu geystaan, ka eeg arrinta dhankooda booskoodana isdhig, iskana cafi; wax ka baro hab-dhaqannadooda khaldan; arrintana wax dhacay oo aan dib u noqosho lahayn ka soo qaad. Ogowna, wax waliba in aanay ahayn sida ay u muuqdaan. Sidaada ayaad ku fiican tahay, cilladahaaga iyo iimahaagu xitaa waa kuwo qurux badan. Aqbal waxyaabaha aanad kaga fiicnayn dadka kale, oo ku dhegganow waxyaabaha aad kaga soocan tahay iyaga. Marwalba daacad baan kuu ahaan doonaa naftaydaay
Mararka qaar Ilaahay innama siiyo wax aynu weyddiisannay, si uu inoogu beddelo wax kale oo ka sii wanaagsan. Marar badan ma garan karno sababta ducooyinkeenna qaar loo aqbalo kuwo kalena loo aqbali waayo. Waxa qudha ee aan ogahay waa in Ilaahay uu ina jecel yahay, qaddarkeennana uu inoo jeexay isagu; marar badanna innaga oo aan xitaa fahansanayn sida ay wax u dhici doonaan waa in aynu ku kalsoonaannaa. Ku noolow noloshaada jacayl, oo ku kalsoonow Ilaahay si uu kuugu hanuuniyo waddada saxda ah.